Fana: At a Speed of Life!

Shirkada isgaadhsiinta Ethio-Telecom oo adeega 4G-ga ka hirgelisay deegaanka Somaalidda

Addis Ababa,Apr 08, 2021 (Megabit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Adeegga 4G-ga oo maanta si rasmi ah loo daah-furay ayaa laga adeegsan doonaa toddobo (7) magaalo oo ka tirsan magaalooyinka Deegaanka, taasi oo ay ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 350 oo qof.

Munaasibadda lagu daah-furay adeegga 4G-ga oo lagu qabtay magaalada Jig-jiga ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta shirkadda is-gaadhsiinta Itoobiya, marti sharaf ka socotay Deegaanka iyo hay’ado caalami ah.

Marwo Fire hiwot tamru, agaasimaha guud ee shirkadda is-gaadhsiinta Itoobiya, ayaa sheegtay in marxalado kala duwan uu soo maray adeegga is-gaadhsiintu, maantana markii ugu horraysay lagu guulaystay in si rasmi ah looga daah-furo Deegaanka Soomaalida.

Adeegga 4G-ga waxaa laga adeegsan doonaa magaalooyinka Jig-jiga, Qabribayax, Dhagax-buur, Qabridahar, Godey, Wardheer iyo Fiiq.

Qaar ka mid ah ganacsatada macaamiisha iyo masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay ayaa sheegay in adeeggan uu wax weyn ka baddali doono baahiyaha is-gaadhsiinta ee ka jirtay Deegaanka.

In ka badan 350 oo qof ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystaan adeegga 4G-ga Deegaanka Soomaalida, taasi oo baahi weyn loo qabay.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.