Fana: At a Speed of Life!

Shirkadaha Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter oo tallaaabo isku mid ah ka qaaday madaxweyne Trump.

Addis Ababa Aug 6, 2020 (Hamle 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Shirkadda baraha bulshada ee Facebook ayaa tallaabo ka qaadday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo shirkaddu sheegtay in uu jabiyay qawaaniinteeda wadaaga xogaha waxayna arrintaas ku sababeysay marin habaabin khatar ah oo ka dhan ah cudurka Covid-19.

Shirkadaha baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter ayaa tallaaba isku mid ah ka  qaaday madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal la xidhiidha wareysi uu siiyay telefishenka Fox News oo uu ku sheegay “in carruurta aanu karin feyraska coronuhu.

Shirkadda Facebook ayaa tirtirtay qeyb kamid ah muuqaalka wareysiga, waxaana tallaabo taas lamid ka qaaday Twitter oo sheegtay inay xanibtay dhawr akoon oo lala xidhiidhinayo Madaxweyne Trump, xanibadaasina ay sii jiri doonta ilaa iyo inta ay ka saarayaan macluumaadka “khaldan” ee ay soo geliyeen.

Hey’adaha caafimmaadka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in caruurta ay iska difaaci karaan cudurka safmarka ah.

Dhanka kale ,Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa sheegay in muuqaalka “ay ku jiraan macluumaad khaldan oo dhigaya in qaar kamid ah dadka uusan ku dhici karin cudurka taas oo aan u aragno inay tahay xadgudub ka dhan ah siyaasadaha inoo degsan ee la xidhiidha marin habaabinta khaldan”.

Waa markii ugu horeysay oo shirkadaha ugu waaweyn dhanka baraha bulshada ay hawada ka saaraan xog uu soo dhigay baraha bulshada ee madaxweynaha.

Twitter ayaa sheegtay inay xanibaad kusoo rogtay akoonkan ciwaankiisu yahay @TeamTrump. Waxay sababta ku sheegeen muuqaalka wareysiga “xogta khaldan” oo ay soo dhigeen, kadibna madaxweynaha uu sii baahiyay oo uu lasii wadaagay dadka kale.

Afhayeen u hadlay Twitter waxaa uu sheegay in xogtaas lasoo dhigay akoonkaas gacan saarka la leh madaxweyne Trump uu ku xadgudbay shuruucda u deegsan ee faafinta xogta khaldan, waxaana uu afhayeenka yidhi ” akoonkaas waa in laga saaraa xogtaas haddii uu doonayo in markale uu wax daabaco”.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii shirkadda Twiter ay xanibtay akoon u leeyahay wiil uu dhalay madaxweyne Trump kadib markii uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay muuqaal loo arkay in uu yahay marin habaabin xidhiidh la leh feyraska corona.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.