Fana: At a Speed of Life!

Shirkadda AstraZeneca oo wasaaradda caafimaadka ugu deeqday 150 mashiin oo bukannada ka caawinaya latacaalidda cudurka asiiba neef-mareenka ee xiiqda

Addis Ababa,Jan 27, 2021 (Dir 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkadda AstraZeneca  oo daawooyinka iyo agabka caafimaadka soo saarta ayaa ugu deeqday wasaaradda caafimaadka ee dalkan Itoobiya 150 mashiin oo bukannada ka caawinaya latacaalidda cudurka asiiba neef-mareenka ee xiiqda.

Heshiiska deeqda ah, oo soconaya hal sano, waxaa maanta kala saxiixday Wasiiru Dowlaha Caafimaadka dalkan Itobiya Dr Dereje Duguma iyo Agaasimaha Afrika ee shirkada AstraZeneca Barbara Nel.

Sida ku xusan heshiiska shirkada AstraZeneca, kala wareegga mashiinada ayaa mari doona laba wareeg iyada oo wejiga ugu horreeya mashiinadan lagu wareejinayo 47 hay’adood oo caafimaad.

Mashiinnada ayaa gacan ka geysana sidii si fudud loogu daaweyn lahaa bukaanka qaba dhibaatada neef-mareenka ee xiiqda iyada tababarro la xidhhiidha adeegsiga mashiinnadana la siinayo shaqaalaha caafimaadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.