Fana: At a Speed of Life!

Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya oo ballaadhinaysa joogtaynteeda Adeegga dhanka xamuulka.

Addis Ababa, June 1, 2020 (FBC/SOMALI) –Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay wali ka sii dhex muuqanayso hawada Afrika inkasta oo ay jiraan duruufo adagi, ayay haddana ku hawlan tahay inay ahaato nashqadeeyaha waaxda dib u dhiska.

Madaxa fulinta ee shirkadaha diyaaradaha, Tewolde Gebremariam OO waraysi siinayay wargeyska ‘The Africa Report’ wuxuu sheegay in aanay jirin wax shaqo la’aan ah oo ka jirta waaxda adeegga dadweynaha ee shirkadda islamarkaana ay awood u leedahay inay bixiso mushaaraadka ,sababtoo ah awooddayada dhaqaale ee isku dheelliga-tiran .

Isaga oo sharraxaya istiraatiijiyadda shirkadaha diyaaradaha, si hawlahooda loogu beddelo shixnad, Tewolde wuxuu sheegay inay ka faa’iideysanayaan dayactirka iyo adeegga hudheelka si looga gudbo muddadan ay jirto dhibaatada feyraska karoona.

“Isla markii ganacsigii rakaabku uu istaagay, waxaan awoodnay inaan u leexano xamuul iyo dayactir.” Tewolde ayaa u sheegay Africa Report.

Tewolde wuxuu intaasi ku daray in shirkadda diyaaradaha ee  Itoobiya ,ay laba jibaartay awoodda xamuulkeeda maadaama ay u rogtay(bedeshay) 20 diyaaradood oo  rakaab ah, kuwo bixinaya adeegga xamuulka.

”Diyaaraddaha la badalay waxa lagu celinayaa qaabkoodii hore iyagoo ah diyaarado rakaab ah, kadib marka ay dhammaato  mashaqadan feyraska karoona”, ayuu yidhi Tewolde oo hadalkiisa sii watay.

Maamulaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in shirkadaha diyaaradaha ay sii wadi doonaan ballaadhinta joogitaankooda adduunka oo dhan ,iyada oo loo marayo adeegyada xamuulka.

isaga oo intaa raaciyay in ay gacan ka geysaneyso in la sameeyo lacag  illaa uu ganacsiga rakaabka uu dib u bilaabmayo.

shirkaddu diyaaraddaha ee Itoobiya waxay bilowday barnaamij gunti isku giijis ah, si loogu maareeyo dhibaatada iyada oo laga helayo hantida ay shirkaddu leedahay, Maamulaha ayaa intaasi raaciyay.

Isaga oo ka jawaabaya su’aalaha  uu Warbixintan ku weydiiyay wargeyska Afrika Report oo ku saabsan xidhiidhka dhow ee ay Itoobiya la leedahay Alibaba, Tewolde wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Itoobiya ay leeyihiin xidhiidh aad u wanaagsan oo xagga dhaqaalaha iyo diblomaasiyadeed-ba ah, shirkadaha duullimaadyaduna ay u duulayeen dalka Bariga Aasiya tan iyo 1973 kii ,xilligaas oo aanay  isugu furneyn sida ay hadda isugu furan yihiin labada dal.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.