Fana: At a Speed of Life!

Shirkadda diyaaraddaha ee Itoobiya oo dib u bilawday duulimaadyada saddex waddan oo Afrikaan ah

Addis Ababa Jul 27,2020 (Hamle 20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shirkada diyaaraddaha ee Itoobiya(Ethiopian Airlines) ayaa maanta ku dhawaaqday bilaabida dullimaadyada saddex dal oo Afrikaan ah oo kala ah Benin , Cote D’Ivoire iyo cameroon.

Madaarada cotonou ee caasimada Cote D’Ivoire ee Abidjan iyo Douala ayaa ah meelaha duullimaadyada galbeedka Afrika ay ka bilawday shirkada diyaaraddaha ee Ethiopian Airlines.

Shirkada diyaaraddaha ee Itoobiya ayaa hore ugu dhawaaqday in ay dib u bilawday duullimaadyadeedii magaalada Dubai toddobaadkiiba Afar jeer iyada oo aad kor loogu qaaday tallaabooyinla bedqabka caafimaadka.

Dhanka kale ,diyaaraddaha xamuulka ah ee shirkada Ethiopian Airlines ayaa safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka feyraska covid-19 iyaga oo qaada agabka aadka loogu baahanyahay ee lagaga gaashaanto feyraska koroona.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.