Fana: At a Speed of Life!

Shirkadda Microsoft oo wariyeyaasheeda beddel uga dhigaysa mashiinnada Robot-ka.

Addis Ababa, MAY 31, 2020 (FBC/SOMALI)- Warbaahinta Mareykanka iyo Ingiriiska ayaaa sheegay in shirkadda Microsft shabakaddeeda MSN ay wariyeyaasheedii faraha badnaa ee ka shaqaynayay  iney ku beddeli doonto mashiinno ‘robot’ ah oo qabanaya hawlihii ay wariyeyaashu qaban jireen.

Wakhti xaadirkan wariyeyaasha wararka u soo uruuriya, cinwaannada u sameeya, sawirradana geliya shabakadda MSN ee ay Microsoft leedahay waa wariyeyaal caadi ah.

Sattelite news waxay sheegtay wixi hadda ka dambeeya shaqooyinki ay wariyeyaashu qaban jireen iney qabanayaan mashiinnada dad sameega ah ee ‘robots’ oo u ku shaqeeya waxa loo yaqaanno ‘artificial intelligence’.

Microsft waxay tallaabbadan ku sheegtay iney qayb ka tahay dib u habeynta iyo qiimeynta ay ganacsigeeda ku sameyneyso.

“Si la mid ah shirkadaha caalamka ka jira marweliba ganacsigannaga qiimeyn ayaan ku sameeynaa. Qiiimeyntaasina waxay naga caawisaa inaan maalgashiga ganacsiga qaar aan kordhinno.

Shaqaalaha qaarkood waxaa dhici karta halki ay ka shaqeeynayeen in laga wareejiyo oo goob kale loo wareejiyo. Balse go’aanka wax xidhiirdh ah lama laha aha cudurka safmarka ee Covid-19”, ayey tidhi shirkadda Microsoft.

Microsft si la mid ah shirkadaha Teknooloojiyadda ee caalamka ka jira waxay howlgelisaa wariyeyaal shabakadaheeda wararka ku qora. Wariyeyaasha ayaana go’aansanayey warka ay tabinayaan iyo halka ay ku tabinayaan intaba.

Sida oo kale qaar kaloo ka mid ah shaqaalaha shaqadooda mashiinnada ‘robot’ lagu beddelayo waxay sheegeen maadaamaa ay mashiinnadu sida dadka wararka ay u xulan Karin waxaa dhici karta warar aan macquul ahayn in shabakadaha Microsoft lagu daabaco.

Wargeyska the Guardian waxay qortay shaqaalaha shaqada laga eryayo 27 ka mid ah iney yihiin shaqaalaha u shaqeeynayey UKPA.

“Mashiinnadu sida ay shaqadannada nooga qaadan karaan in badan ayaan soo akhriyey, waa kan maanta shaqadeydi ayuu iga qaatay” ayey yidhahdeen.

Shirkadda Microsoft waxay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee Teknooloojiyadda oo cilmibaadhista ku wada mashiinnada robot-ka sidii ay u beddeli lahaayeen shaqada ay wariyeyaasha qabtaan, iyada oo ay ujeeddadu tahay in kharashkii wariyeyaasha la siin jiray  meesha laga saaro.

Shirkadda Google-na waxay ku howlan tahay mashruuc kaa la mid ah oo ay u qoondeysay miisaaniyad aad u badan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.