Fana: At a Speed of Life!

shirkii qiimaynta sannadlaha ahaa ee danjirayaasha dalkan Itoobiya oo maanta furmay

Addis Ababa Aug 24, 2020 (Nehaase18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shirkii sanadlaha ah ee Safiirrada, Madaxda ergooyinka iyo masuuliyiinta Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa maanta ka furmay Magaalada Bishoftu kaas oo halkudhig looga dhigay “u howlgalka Diblomaasiyadeed ee Barwaaqada Qaranka”.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, Gedu Andargachew, ayaa kelmada furitaankiisa ku xusay in wasaaraddu ay qabatay hawlo badan oo midho-dhal ah oo la jaan qaada adkaynta nabadda iyo xasilloonida dalka iyo guud ahaanba gobolka.

Wasiir Gedu hadalkiisa sii wata hadalkiida ayaa sheegay in Itoobiya ay ka fulisay howlo tusaalayaal u yihiin dhaqan galinta heshiisyadii ay kala saxiixdeen dhinacyada Koonfurta Suudaan, taageerida kala guurka awooda nabada ee Suudaan, joogtaynta nabada dalka Soomaaliya iyo wanaajinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee Ereteriya ee ku saleysan heshiiskii nabadda ee la kala saxeexday ilaa hadda.

”dawladda Itoobiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa abuuritaanka is dhexgalka dhaqaalaha gobolka iyo bulshada iyada oo la raacayo qaab dhismeedka urur goboleedka IGAD, iyo dhismaha nabadda iyo nidaamka dimoqraadiyadda ee dalka.” ayuu Mr Gedu hoosta ka xariiqay.

Tallaabooyin wax ku ool ah oo la qaaday si loo kordhiyo wada-shaqaynta istiraatiijiyadeed ee dhammaan daafaha caalamka ayaa noqday kuwo mid midho dhal ah; Gedu ayaa intaa  raaciyay in la qabtay waxqabadyo midho ah iyada oo lala kaashaday helitaanka taageero siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo laga helay bulshada caalamka intii uu socday isbedelka dalka ka hanaqaaday.

Wasaaraddu waxay ku guuleysatay ku luglahaanshaha soo celinta sidii si siman oo suurogal ah  loogu qaybsan lahaa saamiga biyoxidheen weyn ee dalkan  Itoobiya taas oo ay beesha caalamkuna ay isha ku haysay, iyo dhisidda sumcadda dalka iyada oo loo marayo taageero diblomaasiyadeed oo adag.

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa intaa raaciyay in itoobiya ay ku guuleysatay wada hadalladii arrimaha biyo xidheenka iyada oo la raacay dedaallo dublamaasiyadeed.

dhanka kale,Kulanku waxa soconayaa ilaa bisha  Sebtember 1-deeda, 2020 oo muddo lix maalmood oo isku xigta oo la isugu imanayo kalfadhiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin aqoon-isweydaarsiyo ku saabsan Hoggaaminta Istiraatiijiyadeed iyo Qiimaynta Kartida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.