Fana: At a Speed of Life!

Shirkii Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka Xafiisyada heer Deegaanka iyo Gobolada oo la soo Gebagebeeyay..

Addis Ababa,Jan 25, 2021 (Dir 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan Qiimaynta warbixinta waxqabadka Lixdii bilood ee la soo dhaafay ee xafiisyada heer deegaan iyo Gobollada oo shan maalmood socday ayaa waxaa dhammaan lagu qiimeeyay warbixinta waxqabadka shaqo ee xafiisyada deegaanka.

Halka xafiis kasta soo jeediyay warbixintiisa wax-qabad islamarkaana la qiimeeyay laguna saxay khaladaadka iyo Galdaloolooyinka ka jira adeeg bixinta xafiisyada, mashaariicaha dawladu fulinayso iyo habka xafiisyadu bulshada ugu adeegan.

Qiimaynta oo maanta la soo afmeeray ayaa waxaa kamid ahaa xafiisyada warbixintooda la qiimeeyay bahda warbaahinta iyo xidhiidhka dadwaynaha, Xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xafiiska maalgalinta iyo qurba joogta oo soo jeediyay warbixintoodii shaqo ee 6dii bilood ee sanadkan 2013.

Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumad Cumar iyo Madaxwayne kuxigeenka Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo qiimayntan shir gudoominayay ayaa si rasmi ah u soo xidhay qiimaynta.

Halka hogaamintana usoo jeediyeen dar-daaran isku dhafan iyo jihooyinka shaqo ee xooga la saarayo ee dhanka Adeeg bixinta bulshada in la xoojiyo, isku xidhka hay’adaha dawlada deegaanka ilaa heer tuulo iyo sidoo kale in la dhaqaajiyo mashaariicaha hormarineed ee ka socda deegaanka.

Xafiiska warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.