Fana: At a Speed of Life!

Shirkii Qiimeynta war-bixinta gobollada DDS oo lasoo gebagebeeyay

Addis Ababa,July 17, 2021 (Hamle 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qiimeynta sannadlaha ah ee lagu soo jeediyo war-bixinta waxqabadka gobollada Deegaanka Soomaalida oo lagu qiimeeyo gobol walba war-bixinta uu soo jeediyo ayaa ahayd sannadkan mid xoogga lagu saarayey adeeg-bixinta bulshada gobollada iyo degmooyinka, tayada mashaariicaha horumarineed adeegyada aas-aasiga ah shaqo-abuurka iyo dakhliga habka loo maareeyo iyo natiijadooda. qiimeyntan oo socotay muddo 2 maalmood ah ayaa si rasmi ah loo soo gabo’gabeeyay.

Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Cumar Xaaji Warfaa iyo madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo, Mudane Faysal Rashiid oo qiimeynta u soo xidhay maamullada gobollada ayaa kula dardaarmay in maamulladu ka fogaadaan buun-buuninta xogta, gobol walba meelaha uu ka liitana uu saxo si aynan dib ugu soo laabannin qiimeynta xigta dhinnaanshahooda, wixii wanaagsanna waa in la sii dar-dar-geliyo, gaar ahaan arrinta nabadgelyada oo ah mid u baahan in lagu sii faro-adaygo, maamullada gobolladuna masuuliyad gaar ahaaneed iska sii saaraan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.