Fana: At a Speed of Life!

Shirwaynaha dhallinyarada Soomaaliyeed (SYS) oo markiisii 2aad ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Mar 31, 2021 (Megabit 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkani oo ah mid lagaga wada hadlayo horumarka casriga technology-ga, fursadaha ka bannaan iyo hal-abuurka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin heer deegaan ah, ganacsatada farsamada casriga ee technology-ga isticmaala,

dhallinyaro iyo khubaro ka shaqeeya shirkadaha technology-ga ee ugu waawayn dunida sida; Facebook, Google, Amazon, Shopify, IBM, Boeing iyo kuwo kale oo kaga qeyb-qaadanayay shirka dhinaca aaladda fogaan-arraga ee Zoom-ta.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen dhallinyaro soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha dunida ayay ujeeddadiisu tahay in uu kulmiyo fikirrada, hal-abuurka iyo aqoonta dhallinta soomaaliyeed si ay u kala faa’iidaystaan.

Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar oo shirkani ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in maanta ay halkan iskugu yimaadaan dhallinyaro soomaaliyeed oo isaga kala yimid dalalka jaarka ah oo waxa isku keenayna uu yahay haybtooda oo kali ah, iyaga oo ka tashanaya mustaqbalka dhallintooda.

Madaxwaynaha ayaana dhallinyarada ugu baaqay in la kala garto khalad-fahanka (Activism) oo ah baraarujinta iyo u-doodista bulshada ee dhinaca baraha bulshada, taasi oo loogu talo’galay in lagu soo bandhigo u-doodista xuquuqda aadamaha, cabashooyin sax ah oo jira iyo cayda iyo af-lagaaddada oo madaxwaynuhu ku tilmaamay “Is-baaro”, muhiimna ay tahay in bulshada iyo da’yarta loo horseedo dhaqan wanaagsan oo dhaxal u noqonkara.

Saamiya iyo Maxamed Cumar oo ka mid ah aas-aasayaasha ururka (Somali Youth Summit) ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in la helo dhallin ku hubaysan karti, han sare, xirfad iyo aqoon, kuwaasi oo qeyb ka noqda horumarinta bulshada.

Shirkani ayaa noqonaya markii labaad ee la qabto, halka markiisii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland.

Inta uu shirkani socdo waxaa lagu wadaagi doonaa doodo la xidhiidha qaabka technology-ga casriga ah looga faa’iidaysan lahaa, waxaana fikiradooda soo bandhigi doona shaqsiyaad aqoon durugsan u leh technology-yadda, marka saddexaad ee shirkani ayaa lagu ballansanyahay in lagu qabto dalka D-Jabuuti.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.