Fana: At a Speed of Life!

Shirwaynaha Maalgashiga Deegaanka Soomaalida oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Jigjiga.

Addis Ababa,Jan 25, 2021 (Dir 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto deegaanka soomaalida ayaa waxaa ka soo qayb-galay Maalgashadayaal u badan Soomaalida Geeska Afrika, Wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday Qaarada Afrika.

Waxaana lagu qaadaa dhigayaa fursadaha Maalgashi ee ka banaan deegaanka Soomaalida iyo tabaha looga faa’iidaysanayo.

Kulan waynahan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumad Cumar oo Maalgashadayaasha Ka qayb-galaya kulankani ku soo dhawayn kadib, Madaxwaynaha ayaa cadeeyay in Deegaanka Soomaalida isbadalkii dalka ka dhacay ka hor uu ku suntanaa fikir xun oo nabadgalyo darro iyo tacadi ku salaysan.

balse haatan xasilooni balaadhan ay shacabku haystaan taasi oo ay Xukuumada deegaanka soomaalidu ay diyaar la tahay siyaasad dhaqaale oo furfuran iyo abuurida Suuqa xorta ah taasoo faa’iidada ugu wayn ay ka heli doonaan dadka soomaaliyeed.

Madaxwayne Mustafe ayaa xusay in Magaalada Jigjiga ay tahay magaalo koraysa oo diyaar u ah is dhexgal dhaqaale oo sii xoojin doonta Nabadgalyada Geeska Afrika.

Dhiniciisana Mudane Tamasgen Talehun oo ah Komishiner kuxigeenka Xaafiiska Maalgashiga heer federaal oo shirkani ka hadlay ayaa sheegay in ka dal ahaan iyo deegaan ahaanba uu shirkani yahay mid muhiima oo lagu soo bandhigayo khayraadka dihin ee deegaanka soomaalida iyo kan dalkaba ayna soo dhawaynayaan maalqabeenada ka soo qaybgalay kulankan.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maalgashiga iyo Qurbajoogta DDS, iyadoo uu socon doono mudo laba maal-mood ah.

Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.