Fana: At a Speed of Life!

Shirweynaha 23aad ee Caafimaadka heer qaran oo ka furmay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Oct 30,2021 (Diqimti 20,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Shirweynaha 23aad ee Caafimaadka heer qaran ayaa waxa uu si rasmiya uga furmay caasimada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Shirweynahan Caafimaadka ee heer qaran oo markiisii ugu horreeyay ka furmay Deegaanka Soomaalida ,ayaa waxa qayb galay masuuliyiin heer Qaran iyo heer deegaanba isugu jira oo ay ugu horrayso Wasiirka Wasaaradda CaafimaadkaJDFi Dr.Liya Tadhase, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Marwo Saxarla Cabdilaahi , madaxweyne-ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida Ibraahim Cusmaan oo hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in dowladdu xoogga saartay fidinta adeegyada kala duwan ee Caafimaadka.

Dhanka kale ,Wasiirka Caafimaadka Liya Tadhase ayaa sheegtay dowladdu xoogga saartay adeegyada fidinta Caafimaadka ee dalka guud ahaan.

Shirweynahan Caafimaadka ayaa magaalada Jigjiga ka socon doona muddo laba maalmood ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.