Fana: At a Speed of Life!

Shirweynaha wada tashiga iyo adkaynta saraynta sharciga oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Jan 18,2022 (Dir 10,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Shirweynaha wada tashiga iyo adkaynta saraynta sharciga oo uu soo diyaariyay Xafiiska Caddaalada ee DDS ayaa ka qabsoomay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan, waxaana ka soo qayb’galay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Xafiiska Caddaada DDS, mudane Axmed Xaaji Samatar, mudane Mubashir Dibbad Raage, Hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada, masuuliyiin heer Deegaan ah iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo shir-weynaha ka hadlay ayaa sheegay in sharcigu uu noqdo mid lawada ogyahay oo ay dadku wada garanayaan, madaxweynaha ayaa hadalkan ula jeeday in bulshada la baro sharciga iyo qawaaniinta dawladda balse aysan noqon mid hay’adaha caddaalada, garsoorka iyo maxkamaduhu ay keliya lasoo baxaan marka shaqsi danbi galo taasi oo ka hor-tag u noqonaysa ku dhicitaanka fal-danbiyeedyada.

“In la hirgaliyo saraynta sharcigu waxa ay u baahantahay in dawladda iyo shacabku ay ka midaysnaadaan, ka xukuumad ahaana xoogga ayaan saaraynaa hirgelinta saraynta sharciga iyo ku dhaqankeedaba”, mudane Mustafe Muxummed Cumar.

Mudane Axmed Xaaji Samatar, Wasiirka Xafiiska Caddaalada DDS, ayaa waxa uu yidhi; Saraynta sharcigu waa tiir-dhexaadka caddaalada, sinnaanta, dimuqraadiyada iyo guud ahaanba dawladdnimada,

Sheekh Axmed Aabi Mataan, Gudoomiyaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDS oo munaasibaddani ka hadlay ayaa sheegay in Ummaddi haddii ay wax ku heshiiso oo ayna ku socon (ku dhaqmin) heshiiskaasi in ummaddaasi ay burburayso.

“Iyada oo laga qayb’qaadanayo sugidda nabadgelyada, xasiloonidda iyo ilaalinta danaha dawladda iyo dadweynaha korna loo qaadayo wacyiga iyo garaadka sharci ee bulshada si loo xurmeeyo xuquuqaha aadamiga ah, islamarkaasina sharciga la horgaynayo cid kasta oo ku kacda fal-danbiyeed lana filanayo adeegyo cadaali ah ayaan hormuud ka noqonaynaa hirgelinta saraynta sharciga iyo maamulka suuban” Xafiiska Caddaalada ee DDS.

Xigasho: SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.