Fana: At a Speed of Life!

Sucuudiga oo albaabada isugu laabaya 8 iskuul oo Turkey-ga laga leeyahay

Addis Ababa,Apr 29, 2021 (Miyasiya 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa inay xidho sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas Arbacadii werisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka cadheysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xidhiidhka Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkey ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xidho marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaadheysa 2,256.Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah.

Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah.Xidhitaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare usii qaadi karta xiisadda labada dal.

Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaanayey sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliila boqortooyada.

Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkey waxay yaboohday inay hagaajiso xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.