Fana: At a Speed of Life!

Sucuudiga oo sheegay in xujaajta tallaalka Covid-19 qaatay oo keliya ,loo ogolyahay in ay galaan gudaha Masjidka barakaysan ee Xaramka

Addis Ababa,Apr 06, 2021 (Megabit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ‘dadka tallaalan’ oo keliya loo ogolaan doono in ay ku gutaan wajibaadka salaadda iyo cumrada gudaha Masjidka barakaysan ee xaramka ee Maka.

Dawladda Sucuudiga ayaa Isniintii shalay ahayd sheegtay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono inay gutaan acmaasha sanadka oo dhan, laga bilaabo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kaliya “dadka talaalka la qaatay” la siin doono rukhsad ay u gutaan waajibaadka Cumrada iyo sidoo kale salaadaha masjidka weyn ee magaalada barakeysan ee Makka.

dadkaas waxaa ka mid ah kuwa qaatay laba dhibcood oo ah tallaalka COVID-19, ama kuwa qaatay hal dhibicoo tallaalka ah ugu yaraan 14 maalmood ka hor gudashada acmaasha xajka, ama qof ka bogsaday fayraska, ayay wasaaraddu tidhi.

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay inay kordhinayso hawlaha shaqo ee masjidka barakaysan iyadoo la raacayo tallaabooyinka ka hortaga COVID-19.

Ma cadda in siyaasaddan, oo kusoo beegmaysa xilli ay kor u kaeen kiisaska cudurka coronavirus ee Sacuudi Carabiya, in lasii kordhin doono xayiraadda acmmaasha xajka ee dabayaaqada sannadkan.

Sacuudi Carabiya ayaaa laga diiwaangeliyay in ka badan 393,000 oo kiis oo ‘coronavirus virus’ ,iyadoo ay fayrska u dhinteen 6,700 oo ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.