Fana: At a Speed of Life!

Suudaan oo afgami ka dhacay

Addis Ababa,Oct 25,2021 (Diqimti 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegayaan in dalkaas uu ka socda isku day afgembi, waxaana lagu soo warramayaa in militeri aan la aqoon ay isku hareereeyeen guriga Ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha ,waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.

Maalinnimadii KhamIista kumanaan kun oo qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay caasimadda Suudaan si ay taageero ugu muujiyaan dowladda kumeel gaadhka ah.

Dhinaca kalena, waxaa jiray dad kale oo taageero u muujinayay militeriga isla markaana ugu baaqay inay afgembiyaan, waxay ku eedeeyeen dowladda rayidka ah inay fashilantay.

Waxay xiisad ka dhex taagneyd militeriga iyo shacabka Suudaanka maadama labada dhinac ay qeyb ka yihiin dowladda kumeel gaarka ah ee la dhisay sanadkii 2019 si dalka loogu jiheeyo doorasho.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dad taageeraya dowladda rayidka ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalkaas halka militeriga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.