Fana: At a Speed of Life!

Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee hablaha hawl-wadeennada ah ee ka hawl-gala war-baahinta dawladda iyo tan madaxa bannaan oo ka qabsoomay Magaaladda Jigjiga

Addis Ababa,Apr 16, 2021 (Miyasiya 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee hablaha hawl-wadeennada ah ee ka hawl-gala war-baahinta dawladda iyo tan madaxa bannaan ayaa ka qabsoomay madasha kulammada ee Wakaaladda War-baahinta Deeganka Soomaalidda.

Tababarkan oo muddo laba cisho ah socon doona ayaa waxaa ka soo qeyb-galay hawl-wadeennada haweenka ah ee ka hawl-gala war-baahinta dawliga iyo tan madaxa bannaan.

Waxaana casharrada ka bixinaya agaasinnada Xafiiska War-faafinta Deegaanka.

Waxaana muddada tababarkan uu socdo lagu baran doonaa casharro u muhiim ah tababar-qaatayaasha oo ay ka mid yihiin habka maaraynta war-baahinta qaabka diyaarinta wararka xilliyada doorashada.

Waxaana tababarkan furitaankiisii ka hadlay wasiir ku-xigeenka Xafiiska War-faafinta Deegaanka Mudane Axmed Muxummed, isagoo hawl-wadeennada haweenka war-baahinta ee tababarkan qaadanaya kula dar-daarmay in muddada uu tababarku socdo ka faa’iideystaan casharrada ay ku qaadanayaan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.