Fana: At a Speed of Life!

Taliyaha ciidamada cirka ee dalkan Itoobiya oo booqday qaybta galbeed ee ciidamada cirka

Addis Ababa,Dec 21, 2020 (Tehsas 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Taliyaha Ciidammada Cirka ee dalkan Itoobiya Taliye sare,Yilma Merdassa ayaa booqday taliska galbeed ee ciidamada cirka.

Taliyuhu waxa uu bogaadiyay saraakiisii iyo xubnihii taliska wuxuuna ku sifeeyay geesiyaal soo hooyay guushii lagaga gadhay fashilinta qorshayaashii kooxda budhcada ah ee TPLF.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeeda boggeeda rasmiga ah ee Facebook-ga ku baahisay in taliska Qaybta galbeed ee Ciidanka Cirka ee dalkan Itoobiya ay door muhiim ah ka qaateen hawlgalkii sarraynta sharciga ee lagu qaaday kooxdii TPLF.

Waxa kale oo uu xusay in saraakiisha iyo xubnaha qaybta galbeedka ay si waxku ool ah u muujiyeen daacadda ay u yihiin dadka iyagoo jebiyay taliskii jabhadda ee weerarka ku soo qaaday ciidammada difaaca qaranka ee lafdhabarka u ahaa qaranka.

Taliyuhu wuxuu ku boorriyay qeybaha ciidamada inay xoojiyaan doorka ay ka leeyihiin ilaalinta qaranka iyadoo la dardargelinayo geeddi-socodka dib-u-habeynta, lagana dhisi doono dhanka awoodda iyo teknoolojiyada ay u baahanyihiin islamarkaana aanay ku milmin (ka madax bannaanaadaan ) xisbiyada siyaasadeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.