Fana: At a Speed of Life!

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya oo kulan la qaatay safiirka UK u fadhiya Itoobiya

Addis Ababa,Apr 29, 2021 (Miyasiya 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka dalkan Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Dr Alastair McPhail.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada haatan uu marayo dalkan Itoobiya iyo sidoo kale arrimaha nabada iyo amaanka ee gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen ciidamada difaaca qaranka Itoobiya.

Danjire McPhail oo ka kulanka dib hadlay, ayaa sheegay in xidhiidhka laba geesoodka ah ee dalkiisu la leeyahay Itoobiya uu door weyn ka ciyaari doono sidii loo dardar gelin lahaa xidhiidhka UK iyo waddamada Afrika.

Sida uu sheegay safiirku, wadaxaajoodyadii ay wada qaateen Jeneraal Berhanu waxaa kale oo diirada lagu saaray arrimaha dhanka militariga, nabadda iyo arrimo kale ee la xidhiidha xoojinta  iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.

safiir McPhail ayaa yidhi ‘’Hawlgalkii sharci fulinta ee ka dhacay deegaanka Tigray wuxuu muhiim u ahaa hubinta ku dhaqanka sharciga iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka’’, isagoo intaas ku daray in UK ay taageero ka siin doonto dhinacyada kale ee arrimaha qaranka la xidhiidha.

Jeneraal Berhanu wuxuu dhankiisa sheegay in dalkiisu uu si dhow ula shaqeynayo deriskiisa, si loo xaqiijiyo nabad waarta isla markaana uu xoojiyo howlgalka nabad ilaalineed ee qaaradda.

Wuxuu intaas ku daray in ciidanka difaacu ay ku sugan yihiin meel wanaagsan oo ay ku ilaalin karaan nabadda iyo amniga dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.