Fana: At a Speed of Life!

Taliyayaasha booliiska heer federaal iyo heer deegaan oo kulan isugu yimid si loo gorfeeyo xaaladdaha nabadgelyo ee dalka

Ababa Oct 14, 2020 (Tiqimti 04,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Taliyayaasha booliiska heer federaal iyo heer deegaan ayaa maanta waxa uu  shirkoodii 11aad  uga furmay magaaladan Addis Ababa.

Taliyaha Booliska Federaalka Jeneraal, Endeshaw Tassew oo madasha hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Itoobiya waxay ku socotaa wadadii dib u habeynta”.

”Dib-u-habeynta ayaa keentay natiijooyin faa’iido leh oo la taaban karo”, ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee ,ciidamada kala duwani waxa ay wadeen dadaallo wax ku ool ah, iyagoo si gooni-gooni ah iyo koox-koox ah-ba u dejinayay qorshayaal xaqiijinaya nabadda iyo horumarka dalka, ayuu yidhi.

”ciidamada amnigu waxa ay ku shaqaynayeen isku duubni si ay u labablaabaan dadaalkooda”, ayuu Taliyaha Guud sii raaciyay.

Wuxuu intaa ku daray in booliiska ay ku socoto dib-u-habeyn, iyada oo la tixgelinayo xaaladaha nabadgelyada gobolka iyo in si wanaagsan loogu adeego Qaranka iyo dadweynaba.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa lagaga doodi doonaa warbixinno ku saabsan xaaladaha nabadgelyo ee ka jira dhammaan dowlad deegaannada dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.