Fana: At a Speed of Life!

Talyaaniga oo u diyaar ah in uu taageero banai-aadantinnimo gaadhsiiyo deegaanka Tigray

Addis Ababa,Dec 30, 2020 (Tehsas 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Safiirka dalkan Itoobiya u fadhiya Talyaaniga, Zenebu Tadesse, ayaa wadahxaajood la yeelatay Madaxa guddiga arrimaha dibadda ee guurtida Talyaaniga Vito Rosario Petrocelli  .

Intii ay socdeen wadahadalladu waxaa diirada lagu saaray xaalada haatan kajirta dalkan Ethiopia, Danjire Zenebu ayaa warbixin ka siiyay madaxweyne Petrocelli weerarradii kooxda TPLF ay ku qaaday ciidamada difaaca iyo dowlada deriska la ah ee Eritrea.

Danjire Zenebu oo warbixin ka siinaysay Petrocelli waxa ay tidhi’’Kadib markay lasoo afjaray howlihii fulinta sharciga ee deegaanka Tigray, Dowladdu waxay hadda ku howlan tahay gaadhsiinta gargaarka bini’aadanimo iyo dib u dejinta dadkii ku barakacay howlgalka .

Adeegyada bangiyada, isgaadhsiinta, biyaha iyo korontada ayaa loo sii daayay deegaanka Tigray, ayay tidhi, iyadoo intaa ku dartay in la wado dedaalo lagu dayactirayo kaabayaasha dhaqaalaha

Itoobiya iyo Talyaaniga waxaa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah oo aad u adag, ayuu yidhi Petrocelli, isagoo intaas ku daray in dalkiisa uu taageerayo isbadalada ka socda dalkan Itoobiya

Hawlgalkii sharci fulinta ee laga fuliyay deegaanka Tigray gabi ahaanba waa arrimo gudaha ah, ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in Dawladiisu ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada bani’aadamnimo ee deegaankaas.

Petrocelli waxa kale oo muujiyey qorshihiisa ku aaddan booqasho uu ku yimaado Itoobiya iyo xoojinta horumarka, dalxiiska iyo iskaashiga dhaqaale ee Dowladda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.