Fana: At a Speed of Life!

Tartan orod ah oo lagu taageerayay Ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya oo jigjiga ka dhacay

Addis Ababa,Aug 29,2021 (Nehase 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tartan orod oo ah masaafo dhan 5 km oo lagu taageerayey ciidanka qaranka dalka ayaa saaka ka qabsoomay waddada Aayar-dega ee magaalada Jig-jiga.

Orodkan oo uu hal-ku-dheg u ahaa “waannu bar-bar-taagan nahay ciidanka” ayaa waxaa ka qeyb-galay ku-dhawaad 600 qof oo isugu jiray orodyahannada Deegaanka iyo dad shacab ah.

Tartankan waxaa soo qaban-qaabiyey Xafiiska Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha DDS oo kaashanaya Hay’ada Adeegga Lacagaha Yar-yar Ee Deegaanka.

Ujeeddada orodkan ayaa ahayd mid taageero loogu muujinayey ciidanka qaranka, islamarkaana lagu cambaaraynayey ururka argagixisada ah ee TPLF.

Orodkan 5 km waxaa kaalmaha hore ee orodyahannada ragga soo galay;

  1. Diriiye Sh. Cabdi
  2. Abraha Qalu
  3. Yirka Andaewalem

Kalmaha dadka shacabka ah ee ka qeyb-galaya orodka:

  1. Iskanow Gabyow
  2. Barkhad Maxammed
  3. Mustafe Xasan.

Natijaada gabdhaha orodyahannada ah:

  1. Sennash Tigsistu
  2. Asma Cismaan
  3. Tigsit Habtamu.

Xigasho:SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.