Fana: At a Speed of Life!

Thailand oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay

Ababa Oct 15, 2020 (Tiqimti 05,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Dowladda Thailand ayaa Khamiista maanta ah mamnuucday dibadbaxyada iyo faafinta hadallada xasaasiga ah, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyo lagu bartilmaameedsanayo boqorka Thailand, boqor Maha Vajiralongkorn iyo ra’isulwasaare Prayuth Chan’ocha.

Amar deg deg ah oo ay dowladda soo rogtay ayaa bartilmaameedsanaya dibadbaxyaasha si nabadda ah u bannaanbaxaya, kuwaasoo intooda badani ay hadda ku suganyihiin bannaanka xafiiska ra’isulwasaaraha. Amarka ayaa dhigaya in aysan hal meel isugu iman karin wax ka badan shan qofood.

Bannaanbaxyada ka socda Tayland ayaa lagu dalbanayaa in xukuumadda ay xukunka ka degto iyo in wax laga badalo dastuurka.

In ka badan 20 qof ayaaxabsiga loo taxaabay maalintii shalay ee Arbacada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saddex hoggaamiye oo dibad-baxyada abaabulayay.

Shaqsiga u dhaqdhaqaqa arrimaha dimuqraadiyada ardayda ee Thailand ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaare  Prayuth Chan-ocha. in uu iscasilo .

Ra’iisal wasaare  Prayuth Chan-ocha ayaa ahaa taliyaha MilaterigaThailand ka hor intii aanu xukunka kula wareegin afgembi sannadkii 2014-kii.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.