Fana: At a Speed of Life!

Tirada dhimashada feyraska ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaaftay Toddoba boqol

Addis Ababa Aug 26, 2020 (Nehaase20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 1,545 xaaladood oo cusub iyo17 qof oo u dhintay feyraska koroona 24-kii saacadood e lasoo dhaafay.

Geesta kale, tirada dhimashada feyraska ee dalka ayaa kor u dhaaftay Toddoba boqol  iyada oo haatan ku taagan 709 kiis, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafmaadku.

Warbixintaas ka dib ,wadarta kiisaska feyraska guud ahaan dalka ayaa gaadhay 43,688 xaaladood tan markii uu feyrasku ka dillaacay dalka bishii Maarso ee sannadkan 2020.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xaqiijisay  in 534 qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen 24-kii saacadood e lasoo dhaafay,tiradaas oo dadka feyraska ka caafimaaday  guud ahaan dalka u boodsiisay 15,796.

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan  290 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 27,181 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.