Fana: At a Speed of Life!

Tirada ka bogsatay feyraska koroona ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaaftay Soddon Kun

Ababa Sep 28, 2020 (Maskerem 18,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay diiwaangelisay 632  xaaladood oo cusub ka dib markii baadhitaan shaybaadh lagu fuliyay 6,631 qof , 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixintaas ka dib,tirada xaaladaha feyraska ee dalka oo dhan ayaa gaadhay 73,000.

Dhanka kale,xaaladdaha dhimashada fayraska ayaa sidoo kale sare ugu kacay 1,170 kadib markii 5 qof ay u dhinteen ,24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada ka caafimaaday feyraska guud ahaan dalka ayaa haatan kor u dhaaftay Soddon kun,ka dib markii ay shalay wasaaraddu diwaangelisay 334 qof oo kasoo kabtay aafada feyraska ,kuwaas oo tirada guud ee bogsatay ka dhigay 30,363 xaaladood.

ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay Hal Milyan laba boqol kontan iyo lix kun ,Boqol S iddeetan iyo laba (1,256,182) ruux, tan  iyo xilligii uu feyrasku ka dillaacay dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.