Fana: At a Speed of Life!

Tirada kiisaska feyraska ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaaftay Toddobaatan Kun

Ababa Sep 23, 2020 (Maskerem 13,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Tirada kiisaska feyraska COVID-19 ee dalkan Itoobiya ayaa kor u dhaafay 70,000 kadib markii ay shalay wasaaradda caafimaadku warbixinteeda maalin laha ahayd ku diiwaangelisay 713 xaaladood oo cusub.

warbixintaas ka dib,tirada xaaladaha guud ee feyraska ee dalkan oo dhan ayaa gaadhay 70, 422.

Dhanka kale,Tirada dhimashada fayraska ayaa sidoo kale sare ugu kacday 1,127, kadib markii 19 qof ay u dhinteen 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada ka caafimaaday feyraska guud ahaan dalka ayaa haatan ku taagan 28,991,ka dib markii shalay ay kasoo bogsadeen 357 qof oo u jiifay feyraska .

ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay 1,217,746  qof tan xilligii uu feyrasku ka dillaacay dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.