Fana: At a Speed of Life!

Tirada xaaladaha feyraska ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaafay Konton Kun

Addis Ababa Aug 31, 2020 (Nehaase 25,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 1,468 xaaladood oo cusub iyo 23 qof oo u dhintay feyraska koroona 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

Geesta kale, tirada xaaladaha feyraska ee dalka ayaa kor u dhaaftay konton kun iyada oo haatan ku taagan 51, 122 kiis, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafmaadku.

Tirada u dhimatay feyraska koroona guud ahaan dalka ayaa hadda dhan 793.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xaqiijisay  in 266 qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen 24-kii saacadood e lasoo dhaafay,tiradaas oo dadka feyraska ka caafimaaday  guud ahaan dalka ka dhigtay 18,382.

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan  344 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 31,945 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.