Fana: At a Speed of Life!

Tirada xaaladaha feyraska ee dalkan itoobiya oo kor u dhaaftay lixdan kun

Ababa Sep 9, 2020 (Baagume 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 1,136 xaaladood oo cusub iyo16 qof oo u dhintay feyraska koroona 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

Geesta kale, tirada xaaladaha feyraska ee dalka ayaa haatan kor u dhaaftay lixdan kun iyada hadda ku taagan  60,784 kiis, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafmaadku.

Tirada u dhimatay feyraska koroona guud ahaan dalka ayaa hadda dhan 949.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xaqiijisay in 888 qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay,tiradaas oo dadka feyraska ka caafimaaday  guud ahaan dalka ka dhigtay 22,677.

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan 307 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 37,156 ruux.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay 1,078,269.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.