Fana: At a Speed of Life!

Tirada xanuunka karoonuhu u haleelay ee dalkan Itoobiya oo sare ugu kacday 116 kiis.

Addis Ababa, April 22, 2020 (FBC/somali) wasaarada caafimaadka iyo mac-hadka fayo dhawrka caafimaadka ee dalkan itoobiya ayaa diwaan geliyay maanta oo arbaco ah laba kiis oo dheeraad ah taas oo tirada guud ee uu xanuunku soo ritay ka dhigaysa 116.

1073 ,baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee la soo dhaafay ,ayaa waxa xanuunka laga helay 2 kamida daka la baadhay . qof ka mida labada qof ee la baadhay ayaa waxa uu degenyahay deegaanka canfarta ,gaar ahaan degmada  Gewane, isaga oo aan wax safar ku tegin dalka dibadiisa.

halka qofka kalena uu yahay muwaadin haysta dhalashada dalka maraykanka oo karantiimo ku jiray. dhanka kale waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof oo 4 kamid ah lagu dawaynayay magaalada Addis Ababa ,iyada oo qofka kalena uu  joogo magaalada diridhabe islamarkaana  tirada guud ee xanuunka ka bogsatay itoobiya ayaa  noqotay 21 qof.

ilaa hadda waxa xanuunka u dhintay guud ahaan dalka 3 qof.

Guud ahaan caalamka tirada kiisaska cudurka covid-19 ,ayaa kor dhaaftay 2.5 milyan oo qof, sida ay sheegtay jaamcada john’s hopkins.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.