Fana: At a Speed of Life!

Trump oo olale ka bilaabay gobolka Florida

Ababa Oct 13, 2020 Tiqimti 03,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ku soo laabtay ​​ololahii doorashada wax ka yar laba toddobaad, ka dib markii laga helay cudurka coronavirus.

Waxa uu u sheegay kumanaan taageerayaashiisa ah oo aan xidhneyn maaskaro, inuu siin karo “lab gelin weyn”, ka dib  isku soo baxyadii ka dhacay gobolka lagu loolamayo ee Florida.

Ninka uu loolanka adagi kala dhaxeeyo ee Joe Biden oo hadal ka jeedinayay Ohio ayaa Trump ku eedeeyay “hab-dhaqankiisa aan taxaddarka lahayn” tan iyo markii cudurka laga helay.

Labada musharrax ee ku tartamaya xilka madaxtinnimada ayaa ku dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen codad iyadoo saddex toddobaad ay ka hadhsan tahay doorashada Maraykanka ka dhacaysa  3-da Nofeembar ee foolka innagu soo haysa.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.