Fana: At a Speed of Life!

Trump oo hor-istaagay saxeexida xidhmada Covid-19 iyo miisaniyadda Maraykanka

Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay ku hanjabay in aanu saxeexi doonin xeer uu ansixiyay koongareeska Mareykanka oo isugu jira 1.4 tiriliyan oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda iyo 900 oo bilyan oo dollar oo ah lacagaha gargaarka coronavirus.

Muuqaal fiidiyo ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter, ayuu Trump ku sheegay Talaadadi, in lacagaha ay ansixiyeen koongareysa aysan ku filneyn shacabka Mareykanka. Xeerka ayaa u ogolanaya inta badan dadka Mareykanka ah qofkiiba lacag dhan 600 oo dollar.

Madaxweyne Trump ayaa weydiistay Koongareeska in ay kordhiyaan lacagta oo ay gaarsiiyaan qofkiiba $2,000, ama lamaane walba oo is qaba $4,000. Wuxuu kaloo ku baaqay in Koongareeska ay meesha ka saran waxyaabaha aanan loo bahneyn ee xeerka ku jira si uu u saxiixo.

Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden ayaa isna ballan qaaday inuu kaalmo lacageed siin doono dadka Mareykanka ah ee uu dhaqaalahoodu saameeyay Covid-19, marka uu yimaado xafiiska bisha Janaayo ee soo socota.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.