Fana: At a Speed of Life!

Trump oo Qareennadiisii difaacayay ay ka kala tageen

Addis Ababa,Jan 31, 2021 (Dir 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Trump ay ka kala tageen garyaqaannadii ka difaacayay eedeymaha aqalka sare ee dalkaasi uu u haysto Trump.

Garyaqaannadaasi waxaa ka mid ah Butch Bowers iyo Deborah Barberi oo labaduba ka soo jeeda gobolka South Carolina, waxaana la sheegayaa in si iskood ah u go’aansadeen in asyan Trump difaacin.

Xildhibaannada aqalka sare ee Mareykanka ayaa 8-da bisha Febraayo ee sanadkan waxa uu cod u qaadi doonaa dacwadda ka dhanka ah Trump.

Xildhibaannada ayaa u codeyn doono in Trump lagu soo oogo iyo in kale dacwad ah in uu huriyey fowdadii 6-dii bishan ay taageerayaashiisa ku qabsadeen dhismaha Aqalka Congress-ka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen.

Garyaqaannada kala ah Greg Harris iyo Johnny Gasser, oo labaduba ka tirsanaan jiray xafiiska xeer-ilaalinta heer federaal isla markaana ka soo jeeda gobolka South Carolina ayaa iyaguna isaga baxay kooxda garyaqaannada ahi ee Trump difaacaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Garyaqaannadani ayaa sida la sheegaya diiday in Trump ay ka difaacaan eedeymaha uu wajahayo, sababtuna waxaa lagu sheegay hadalkii Trump ee ahaa in doorashada looga shubtay.

Josh Howard oo isna ah garyaqaan dhawaan uun ku soo biiray kooxdani garyaqaananda ahi ee Trump difaacayay ayaa lagu soo warramayaa in isna uu shaqadaasi isaga tagay.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda Trump ka difaaci doonto dacwadda uga soo wajahan xildhibaannada aqalka sare ee dalkaasi.

Jason Miller oo ah lataliyaha Trump oo ka jawaabaya wararka ah in Trump ay ka kala tageen garyaqaannadii difaacayay ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku leeyahay “Shaqo weyn ayaan qabannay balse wali go’aan kama dambeys ah kama aanan gaadhin kooxdayada dhanka sharciga, go’aankaasi oo mar dhow la shaacin doono.”

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo muddo laba jeer ah dacwad xil ka qaadis ah lagu soo oogo. Sanadkii 2019 ayaa waxaa badbaadiyay aqalka sare kaddib markii aqalka wakiillada ay meel mariyeen cod loo qaadayay xil ka xayuubintiisa.

Haatan se waxaa loo haysta in uu soo abaabulay weerar lagu qabsaday dhismaha aqalka Congress-ka kaddib markii caddeyn la’aan uu sheegay in doorashada looga shubtay.

Balse waxay u dhowdahay in mar kale uu ka badbaado dacwaddaasi haatan loo haysto.

45 ka mid ah 50 xildhibaan ee xisbiga Jamhuurigu uu ku leeyahay aqalka sare ee dalkaasi ayaa usbuucan u codeeyay in la joojiyo dacwadda ka dhanka ahi Trump, maadaama bey yidhahdeen Trump uu haatan xilka ka degay.

Si dacwad loogu soo oogo Trump, waa in 17 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jambuurigu ay la saftaan 50 xildhibaan ee xidbiga Dimuquraadiga ee doonaya in Trump dacwad lagu soo oogo, arrintaa oo haddii ay dhacdo Trump ka hor istaageyso mustaqbalka in uu mar kale xil u qabto shacabka dalkaasi.

BBC

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.