Fana: At a Speed of Life!

Trump oo u kicitimaya magaaladdii ay rabshaduhu hadheeyeen ee Kenosha

Addis Ababa Aug 30, 2020 (Nehaase24,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tagaya magaalada Kenosha oo ay maalmihii u dambeeyey ka socdeen mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhashay rasaaseyntii ay boolisku u geysteen nin madow ah iyo dhaawacii rasaastaasi ka soo gaadhay.

Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay Mr Trump inuu talaadada uu u safrayo magaalada Kenosha.

Madaxweyne Trump waxa uu halkaasi uu kula kulmi doonaa hay’adaha sharci fulinta isaga oo sida oo kale u kuudhgalaya khasaaraha ka dhashay intii ay mudaharaadyadu magaaladaasi ka socdeen.

Jacob Blake ayaa ku curyaamay dhaawaca culus ee ka soo gaadhay toddobada xabbadood ee ay la dhaceen booliska iyada oo dhaawaca soo gaadhay ay dhakhaatiirtu ku sheegeen iney dhici karto inuu curyaamo oo lugahiisa uu ku socon waayo.

Toogashada booliska ay ninkaasi madowga ah u geysteen waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabashada wata oo ka dhacay magaalada Kenosha uu dhibku ka dhacay iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Sanadkan waxaa dalka Mareykanka ka socday mudaharaadyo ballaadhan oo looga soo horjeedo cunsuriyadda kaddib markii ay boolisku si arxan darra ah ay u dileen nin madow ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.