Fana: At a Speed of Life!

Turkey-ga oo ay dul-hoganayso fadeexad dhanka passport-ka ah

Addis Ababa,Apr 20, 2021 (Miyasiya 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Turkey ayaa Isniintii sheegtay inay ballaadhisay baadhitaan lagu sameeyey tobaneeyo qof oo adeegsaday baasabooro gaar ah, oo ay dowladda bixisay, si ay hab sharci ag ugu galaan Yurub, balse aan dib usoo laaban.

Fadeexaddan ayaa qabsatay warbahainta gudaha tan iyo markii ay soo shaac baxday tododbaadkii tegay in 43 qof oo sitay baasaboorka gaarka ah ee midbka cowlka ama loo yaqaan Grey Passport ay bishii November galeen Jarmalka, si ay uga qeyb-galaan tababar ku saabsan deegaanka, hase yeeshee aysan dib ugu soo laabn Turkey.

Baasaboorka loo yaqaan Grey Passaport ah ayaa ah mid gaar ah oo dowladda ay u sameysay dadka u shaqeeya dowladda ee howlaha shaqo ugu baxa dibedda, taasi oo u ogolaata inay Visa la’aan ku galaan dalal badan.

Dadka goostay ayaa waxaa diray dowladda hoose ee gobolka bari ee Malatya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in baaritaanka lagu sii ballaarinayo lix dowlad hoose oo ay ku jirto magaalada Ordu ee ku taalla Badda Madow.

Lixdan dowlado hoose ayaa isgu jira kuwa ay maamulaan maayaro kala kala tirsan xisbiga talada haya iyo axsaabta mucaaradka.

Toddobaadkii tegay ,Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaqada ka joojisay badhasaabka gobolka Malatya iyo laba sarkaal oo sare oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka, sababo la xiriira fadeexaddan.

Ilo-wareed ayaa u sheegay website-ka HaberTurk in dadka qaarkiisa ay bixiyeen lacag dhan $7,200, si ay u helaan baasaboorka uguna aadaan Jarmalka, ayaga oo ka qaadanaya dowladda hoose ee magaalada Bingol ee bariga Turkey.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan “450-500” ay aadeen Yurub ayaga oo maraya nidaamkan.

 VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.