Fana: At a Speed of Life!

Turkey-ga oo cambaareeyay ku gubitaanka calankiisa ee Giriiga.

Addis Ababa Jul 25,2020 (Hamle 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhalleeceysay Sabtidii in masuuliyiinta Gariiga ay “kickin shacab iyo gubitaanka calanka Turkiga ee Tesaloniika ku kaceen” ka dib u furitaanka Masjidka cibaadada Istanbul ee Hajiya Sophia.

Af-hayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Turkey-ga Hami Aksoy ayaa yidhi “Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa in dawlada Gariiga iyo xubnaha baarlamaankaba ee kicinaya dadweynaha iyaga oo u jeedinaya hadallo ay cadaawadi ku dheehantahay islamarkaana ku qalqaaliyay gubitaanka calankeena sharafta leh ee Tesaloniika”, afhayeenka wasaarada arimaha dibada Hami Aksoy ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Aksoy waxa uu sheegay in Giriigu soo bandhigay cadaawaddiisa ka dhanka ah Islaamka iyo Turkiga mar labaad iyada oo uu ku marmarsoonayo ficilka ka dhanka ah dib-u-furitaanka Masjidka Hagia Sophia goob cibaadado.

Hajiya Sofiya waxay kaniisad ahaan jirtay ilaa 916 sanadood markaas oo la qabsaday magaalada Istanbul, waxaana ay masaajid ahayd laga soo bilaabo 1453 ilaa 1934 – oo ah ku dhawaad ​​500 sannadood – halka ugu dambeyntii ay matxaf ahayd muddo 86 sano ah.

Hagia Sophia waa mid ka mid ah dhismayaasha taariikhiga ah ee sida weyn loo booqdo Turkiga oo ay dalxiisayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah-ba booqdaan.

Hajiya Sophia waxaa lagu daray Liiska Dhaxalka Dunida ee UNESCO 1985, waqtigaas oo laga dhigay madxaf.

Bishii Julay 10-keedii 2020, maxkamad ku taala dalkaTurkiga ayaa laashay go’aankii ay golaha wasiirada Turkey-gu 1934kii ugu beddeleen Hagia Sophia madxaf,

taas oo dhabaha u xaadheysa in mar kale loo isticmaalo Masaajid kadib 86 sannadood oo ay matxaf ahayd.

Waxaana Salaadii ugu horreysay lagu tukaday maalintii jimcaha tan iyo markii si rasmi ah loogu celiyay Masaajidka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.