Fana: At a Speed of Life!

Turkey-ga oo dhoolatusyo milateri ka bilaabay jamhuuriyadda Qubrus ee waqooyiga

Ababa Sep 7, 2020 (Baagume 2,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga ayaa Axadii ka bilaabay dhoolatus sanadle ah jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus oo ah ta keliya ee ay aqoonsan tahay xukuumada Ankara, xilli ay  xiisadaha bariga Mediterranean-ka ee u dhaxeeya Turkey-ga iyo Giriiguna ay cirka isku sii shareeerayaan.

Hawlaha sahaminta shidaalka ee Turkey-gu ka wado aaga bari ee biyaha Mediterranean-ka islamarkaana uu sheegto Giriigu ayaa xiisad weyn ka dhex abuurtay xidhiidhka labada xubnood ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

Iyada oo xiisaddu cirka isku sii shareerayso, ayaa militariga Turkiga waxa ay bilaabeen dhoolatus loogu magac daray “Duufaanta Mediterranean-ka” oo ay ka bilaabeen Taliska Amniga Qubrus ee Turkiga, Madaxweyne ku xigeenka Turkey-ga Fuat Oktay ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal usoo dhigay ku sheegay.”Mudnaanta amniga ee dalkeena iyo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus(TRNC ) waa lama taabtaan, iyada oo aan meesha laga saarayn xalalka diblomaasiyadeed ee bariga Mediterranean-ka”.

Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sidoo kale barteeda Twitter-ka ku soo qortay ”dhoolatusyada militari, waxa ay si xidhiidh u soconayaan ilaa  maalinta Khamiista”.

Qubrus waxa loo qaybiyaa koonfurta Qubrus oo uu maamulo Giriigu,Jamhuuriyada Qubrus ee madaxa banaan xubina ka ah waddamada Midowga Yurub – iyo jamhuuriyada Turkey-ga ee waqooyiga Qubrus.

Turkiga ayaa dejiyay tobanaan kun oo ciidan ah waqooyiga jasiiradda tan iyo markii uu qabsaday 1974-kii, taasoo ka dambeysay afgambigii ay ka rideen taliyayaashii militariga ee Griiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Madaxweynaha Midawga Yurub Charles Michel ayaa ka wada hadlay arrimaha ka socda bariga badda Mediterranean-ka maalintii Axada kulankaas oo ay kuwada qaateen khadka taleefanka.

Hogaamiyaha Turkigu “wuxuu ugu baaqaya hay’adaha Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah inay gadhwadeen ka noqdaan cadaalada, eex la’aan, iyo ujeedo in ka yeeshaan isla markaana ay si xilkasnimo leh uga shaqeeyaan arrimaha gobolka, gaar ahaan bariga Mediterranean”, ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhanka kale,madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel waxa uu sheegay jimcihii in hogaamiyayaasha Midowga yurub ay go, aan ka gaadhi doonaan islamarkaana guntiga dhiisha iska dhigayaan arrimha turkiga markay kulmaan 24-25 bisha september, iyagoo shir ka yeelan doona daminta xiisada.

Xigasho:Aljazeera

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.