Fana: At a Speed of Life!

Uganda iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis dhanka shidaalka ah

Ababa Sep 14, 2020 (Maskerem 4,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalalka Tansaaniya iyo Ugaandha ayaa kala saxiixday heshiis u oggolaanaya dhismaha dhuumo saliid ceydhin ah oo gaadhaya 1,445 km (898 mayl).

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $ 3.5bn ( 2.7m) ayaa isku xidhi doona xarumaha saliidda ee Uganda iyo dekedda Tanga ee Tansaaniya.

Xafladda kala saxeexashada heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynayaasha labada dal.

Keydka saliida waxa laga helay dalka Uganda sanadkii 2006 –dii ,laakiin wax soo saarkaeeda waxa hakad geliyay jiritaan la’aanta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin dhuumaha dhoofinta.

Iyada oo aan weli la shaacin waqtiga bilowga dhismaha haddii lagu wado inuu noqdo dhuunta shidaalka ee ugu weyn Bariga Afrika,haddana waxaa jira dhibaato mashruucu ku keeni doono qaar ka mid ah bulshada reer Uganda oo ah qiimo aad u sarreeya.

Shirkadda batroolka ee laga leeyahay Faransiiska ee Total ayaa hogaamineysa qorshayaashaas iyada oo ay wehliyaan shirkad  iyadana Shiinaha laga leeyahay ee CNOOC, iyo dowladaha Uganda iyo Tanzania.

Xafladdii daah-furka mashruuca ee xaddii ,ayay maalmo kadib kuso beegmaysaa , markii shirkadda Total oo saamiga ugu badan ku leh saliida Uganda ay sheegtay inay heshiis ku saabsan dhuumaha ay la gaadhay dowladda Uganda.

Qiyaastii 80% dhuumaha ayaa mari doona Tansaaniya waxaana mashruuca la rajaynayaa inuu shaqo u abuuro in ka badan 18,000 oo ah dadka reer Tansaaniya, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeenkacdawlada xassan cabaassi.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.