Fana: At a Speed of Life!

Ururka ONLF oo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorashada 6aad ee dalka ka dhici doonta.

Addis Ababa,Mar 02, 2021 (Yekatit 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ururka ONLF ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorashada 6aad ee dalka ka dhici doonta bisha Juun ee soo socota.

Mudane Riyaale Xaamud, oo dhawaan garab kamida ONLF ay udoorteen kusisimaha Gudoomiyaha Ururka, ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin kaqayb galka doorashooyinka.

Mudane Riyaale oo shir jaraai’d ku qabtay magaalada Jigjiga ayaa intaasi ku daray, in xulashada xubnaha musharaxiinta ururka ee 11ka gobol ay gabogabo marayso, isla markaana ay Ololaha doorashada ka bilaabi doonaan guud ahaan Deegaanka oo dhan.

Sidookale waxa uu carabka kudhuftay inuu ku kalsoonyahay codka shacabka Deegaanka,wuxuuna sheegay in doorashadani ay ka duwantahay doorashooyinkii hore ee dalka kadhicijirtay ee xeryaha ciidamada lagu qaban jiray islamarkaasna ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.

mudane riyaale xaamud ayaa sidookale baaq udiray dawlada deegaanka,federalka,beesha caalamka iyo hay’adaha inay kaqayb qataan wax kaqabashada abaaraha,biyo yaraanta iyo saamaynta ayaxa ee kajira degmooyinka Deegaanka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.