Fana: At a Speed of Life!

Wadaxaajoodyadii biyo xidheenka ee uu Midowga Afrika Gadhwadeenka ka ahaa oo berri bilaabmaya

Addis Ababa Oct 26, 2020 (Tiqimti 16,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wadaxaajoodkii biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) ee Midowga Afrika (AU) gadhwadeenka ka ahaa una dhaxeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar dib ayaa u bilaaban doona berri, kadib toddoba usbuuc oo la kala maqnaa.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa xaqiijiyay dib u bilaabashada wada-xaajoodka ee maalinta  berri ah, ka dib wadatashi lala yeeshay Madaxda Saddexda waddan.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu soo dhoweeyay balanqaadka Ra’iisal wasaaraha JDFI Dr Abiy Axmed ,Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamdok iyo Madaxweynaha Masar Cabdil Fattaax Al-Sisi si loo sii wado wadaxaajood ay dheehantahay ruux iskaashi, niyad wanaag iyo isu-tanaasul dhabaha u xaadha gaadhista heshiis midho dhal ah.

Dib-u-bilaabidda Wada-xaajoodka Saddex geesoodka ah ee biyoxidheenka oo uu gadhwadeen ka yahay Midowga Afrika waxay muujineysaa rabitaan siyaasadeed iyo ballanqaad adag oo kasoo go’ay  hoggaanka Saddexda Dhinac ee ku lugta leh wada-xaajoodka, si xal nabadeed looga gaadho ismaandhaafka arrinta biyo-xidheenka.

‘’waa xaqiijinta kalsoonida ay dhinacyadu ku qabaan geeddi-socodka wada-xaajoodka ay Afrika hoggaaminayso, iyadoo la raacayo heerka ugu sarreeya ee Afrika ee xallinta dhibaatooyinka Afrika, oo ka mid ah rukummada Midowga Afrika, ”ayuu madaxweyne Ramaphosa ku yidhii warmurtiyeed uu soo saaray’’.

Wuxuu u xaqiijiyey saddexda dhinac ee wada xaajoodku u socdo in Midowga Afrika uu la barbar taaganyahay taageero iyo iskaashi aan kala go’a lahayn, waxaana uu kalsooni weyn ka muujiyay suurtogalnimo ah in dhinacyadu ay heshiis ka gaadhi doonaan arrimaha qabyada ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin  dhinacyada farsamada iyo geediscodka wadahadallada.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu ku soo gabagabeeyey, “Shaki la’aan, guul ku soo gabagabeynta wadahadalada biyoxidheenka waxay sare u qaadi doontaa isla markaana dardar gelin doontaa isdhexgalka gobolka, iyadoo la xoojinayo iskaashi iyo horumar waara oo ka tisqaada guud ahaanba Afrika”.

‘’Midawga Afrika ayaa wali gacanta ku haya arrinta  biyoxidheenka ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka’’.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.