Fana: At a Speed of Life!

Waddo jay ah oo dhan 140 KM iskuna xidhaysa degmooyinka Xarshin, Darroor iyo Gaashaammo oo si rasmi ah loo billaabay wajigeedii koobaad

Addis Ababa,June 28, 2021 (Senee 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waddada jayga ah ee isku xidhaysa degmooyinka Xarshin, Darroor iyo Gaashaammo ayaa la billaabay wajigeeda koobaad oo dherer ahaa dhan 140 KM.

Jidkan jayga ah oo uu madaxweynaha DDS dhagax-dhigay sannadkan dhexdiisa ayaa waxa uu Xafiiska Jidadka Iyo Gaadiidka ku wareejiyay dhismaha waddadani jayga ah Shirkadda Dhismaha Ee Mawliid Ismaaciil.

Waddadan oo isku xidhaysa degmooyinka Xarshin, Daroor iyo Gaashaammo ayaa waxaa jidkani wajigiisa koobaad oo dhan 140 KM ku baxaysa lacag dhan 238 Milyan oo Birr, islamarkaana shirkadda dhisaysa loo qabtay in ay ku soo gabo’gabayso 2 sano iyo 4 bilood sida ay sheegeen masuuliyiinta Xafiiska Jidadka Iyo Gaadiidka DDS.

Waddadan maraysa saddexda degmo iyo tuulooyin badan oo ka kala tirsan degmooyinkaasi ayaa marka la dhammaystiro waxaa u fudududaan doona bulshada isu-socdka iyo wax-is-waydaarsiga ganacsiga oo ballaadha.
waxgaradka iyo maamulka degmada Xarshin ayaana soo dhaweeyay billaabidda waddadani oo baahi badan bulshadu u qabay.

Dhinaca kale, masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hoggaaminayo wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Jidadka Iyo Gaadiidka DDS ayaa sheegay in waddadani bulshada ku soo kordhin doonto nolol cusub oo ganacsi iyo mid dakhliba ah, bulshada ay dhexmaraysana ka helayso shaqo-abuur.

Intaasi kaddib, masuuliyiintii ka soctay heer deegaan ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada Xarshin in ay bulshada ka qeyb-qaataan hawlaha mashruuca waddada ee la billaabay sida oo kalena la ilaaliyo nabadgelyada waddada goobaha ay marayso.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.