Fana: At a Speed of Life!

Wafdi caalami ah oo Shiinaha u tegaya baadhitaan

Addis Ababa,Jan 12, 2021 (Dir 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wakiillo ka socda Hey’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu wadaa in ay toddobaadkaan gaadhaan Shiinaha, si ay u billaabaan baadhitaan ku aadan halka asalka cudur sidaha Coronavirus.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka Dowladda Shiinaha, ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay, in khubarro ka socda WHO ay tagi doonaan Shiinaha Khamista soo socoto, khubarrada ayaa la kulmi doona dhiggooda Shiinaha.

Wali lama oga in khubarrada caafimaad ee ka socda Qaramada Midoobay ay tagi doonaan magaalada Wuhan ee badhtamaha Shiinaha, oo ah halkii ugu horraysay ee uu kasoo billowday virus-ka dhammaadkii sannadkii 2019.

Tan iyo marki Coronavirus ka billowday Shiinaha, malaayiin qof oo ku nool daafaha caalamka ayuu xanuunka ku dhacay, halka sidoo kale ay u dhinteen tiro ka badan Hal Milyan oo qof oo kale.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.