Fana: At a Speed of Life!

Wafti Ay hogaaminayso Wasiirada Nabadda JDFI Marwo Mufariyaat kaamil oo gaadhay magaalad Jigjiga.

Addis Ababa,Jan 20, 2021 (Dir 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti ay hogaaminayso Wasiirada Nabada Dalka Marwo Mufariyaat kaamil ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane mustafe muxumed Cumar iyo Masuuliyiin Heer Deegaan ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Ee Garaad wiil waal kusoo Dhaweeyey Waftiga balaadhan ee ay hogaaminayso Wasiirada Nabada Dalka .

Socdaalka ay wasiiradu ku timid Deegaanka oo ay kuwehelinayeen Qaar kamida Masuuliyiinta Hay’adaha Nabadgalyada Dalka ayaa imanaya Xili Deegaanka looga diyaar garoobayo shir Heer Qaran ah oo lagaga hadlayo Arrimaha Nabadgalayada.

Shirkaasi oo ay Ka qayb galayaan Masuuliyiinta Hay’adaha Nabadgalayada Heer Qaran iyo kuwa Nabadgalayada Deegaanada Ayaa Lagu Qiimaynayaa xaalada Nabadgalyada Dalka.

Xigasho:SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.