Fana: At a Speed of Life!

Warshad soo saaraysa hawada Oxygen-ta oo magaalada Jigjiga laga hirgeliyay

Addis Ababa,May 05, 2021 (Miyasiya 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xarunta hawada oksajiinta oo maalintii soo saari karta illaa 200 oo haamaha hawada oksajiinta ah ayaa xadhigga laga jaray.

Warshaddani oo ay ku baxday 35 Milyan oo Birr ayaa maalintii oo kaliya soo saaraysa illaa 200 oo haamood (“sillender” ) sida ay sheegeen masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadku.

Horey waxaa haamaha oksajiinta loogu doonan jiray magaalada Addis Ababa oo u jirta Jig-jiga masaafo dhan 622.5 KM. muddo badan ayaana lagu han-weynaa in la hirgaliyo warshaddani, maadaama baahi badan loo qabo.

Xafladda daah-furka warshadda hawada oksajiinta Deegaanka Soomaalida waxaa ka soo qeyb-galay madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxwayne ku-xigeenka Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Yuusuf Maxammed iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo xafladdani ka hadlay ayaa sheegay in warshaddani ay dabooli doonto baahidii ballaadhnayd ee loo qabay si loogula tacaalo cudurka karoona fayris.

Madaxwaynaha ayaa xusay in xukuumaddu ahmiyad ballaadhan ay siisay qaabkii looga hortagi lahaa xanuunka saf-marka Covid-19, bulshadana kula dar-daarmay in ay qaataan awaamiiraha lagaga hortagayo caabuqa.

Intaasi kaddib, Madaxwaynaha ayaa xadhigga ka jaray warshadda neefta oksajiinta. waxayna indho-indheeyeen qaab ay u shaqaynayso xaruntu, iyadoo sharraxaad ay ka siinayeen khabiirrada gacanta ku haya xaruntani.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.