Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda arrimaha dibedda oo sucuudiga dib uga soo celisay muhaajiriin tiradoodu dhantahay 1,931

Addis Ababa,June 27, 2021 (Senee 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda JDFI ayaa ku dhawaaqday in 1,931 muhaajiriin Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah ku  joogay sucuudiga laga soo celiyay  Sabtidii  magaalooyinka Jidda iyo Riyaad.

Wasaaradda  ayaa sheegtay in dib usoo celinta muhaajiriintan lagu soo daadgureeyay lix duuliimaad diyaaradeed.

Sida sheegtay wasaaradu, 1252 ka mid ah dadka lasoo celiyay  ayaa laga keenay magaalada Riyaad halka 679  ruuxna laga soo qaaday  Jidda.

Muhaajiriinta soo laabtay ayaa markii ay kasoo deegeen garoonka diyaaradaha ee Bole waxa si ballaadhan usoo dhaweeyay mas’uuliyiinta wasaarada arrimaha dibedda iyo marti sharaf kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.