Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: wadahadalkii dhanka khadka taleefoonka ee dhexmaray Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Biden ​waxuu astaan u haa horumarka dhanka diblomaasiyadda

Addis Ababa,Jan 13,2022 (Dir 05,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeenka Wasaaraddda arrimaha dibedda Danjire Dina Mufti oo shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha saxaafadda uga warbixiyay ayaa sheegay in Wadahadalkii dhanka khadka taleefoonka ee ay wadayeesheen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ahaa astaan ​​muujineysa in ruuxdii xidhiidhku uu isbedelayo.

Af-hayeenka Wasaarada Arimaha Dibedda, Danjire Dina Mufti oo Madaxweynaha uga warbixinay Ololaha dhaqangelinta sharciga ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xuquuqul insaanka, gargaarka bini’aadantinimo iyo dib u dejinta dadka deegaannadii ay saameeyeen dagaaladu.

Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in laga wadahadlo isla markaana isla garto ka shaqaynta danta guud.taasina waxay keentay in ruuxdii dhanka dublamaasiyadda ee siyaasaddu is beddesho, ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dhabaha u xaadhi doonto wadashaqyn midha dhal ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in guulihii laga gaadhay ololihii lagu doonayay badbaadinta jiritaanka midnimada uu halgankii talo-wadaagga qaran ee socday ka dhigay halgan aan macno lahayn oo ay wadaan dadka Itoobiya iyo dadka ku abtirsada Itoobiya.

Waxa uu sheegay in cadaadisku uusan is dhimin, balse uu hoos u dhacay.Waxa uu sheegay in qolyihii horey u soo saaray digniinaha dhanka socdaalka ah ay hadda ka waantoobayaan maadaama ruuxdii ay isbedelayo.

Waxa uu sheegay in Qurbojoogtu ay doodo ka yeesheen dhaqdhaqaaqa Pan-Africanism iyo maalgashiga.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.