Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Caafimaadka oo Maraykanka ka guddoontay 453,600 xidhmo oo ah tallaalka cudurka COVID-19.

Addis Ababa,July 19, 2021 (Hamle 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka ayaa Maraykanka ka guddoontay 453,600 xidhmo oo ah tallaalka cudurka COVID-19.

Talaalka “Jonson” ee cudurka Coronavirus ee ay wasaaradu la wareegtay maanta ayaa waxa uu qayb ka yahay 1.2 Million oo xidhmo oo Mareykanku ilaa hadda balan qaaday inuu ugu deeqayo Itoobiya.

Wasiirrada Caafimaadka Dr. Liya Tadhase iyo Safiirka Mareykanka u jooga Itoobiya ‘’Geeta Pasi’’ oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan dowlada ayaa ka qeyb galay munaasabadii soo dhaweynta ee garoonka diyaaradaha ee Bole.

Mareykanka ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu 25 Million oo  xidhmo oo tallaalka Coronavirus ah u uu diro 49 dal oo Afrikaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.