Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda gaashaandhiga oo tababar usoo xidhay dufcadii 33aad oo ku biiraya ciidamada difaaca qaranka Itoobiya

Addis Ababa,June 29, 2021 (Senee 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda gaashaandhiga ayaa sheegtay in haatan ay qalinjebiyeen ciidan tabar ku qaadanayay dugsiga tababarka ee Birsheleqo.

Ciidankaas oo ah dufcadii 33aad ee qalinjebisa  ,ayaa waxa munaasibadaas qalinjebinta ciidanka ka qaybgalay madaxa wasaarada gaashaandhiga u qaabilsan horumarinta cududa ciidanka Taliye sare ,Jeneraal Hajaalu Sheleme,madaxa ciidanka lugta ,M.jeneraal Indhalkaajaw Weldhe Kidhaan iyo weliba saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Ciidankaas ka qalinjebiyay xerada tababarka ee Birsheleqo ayaa ku biiri doona islamarkaana doorkooda ka qaadan doona difaaca qaranimada,adkaynta midnimada iyo ka hortegista cadowga gudaha iyo ka dibeddaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.