Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Nabadda oo ku baaqday in si wada jir looga hawlgalo xaaladaha Amni ee ka jira gobolka Metekel

Addis Ababa,May 10, 2021 (Ginbot 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Nabadda JDFI, Firealem shibabaw, ayaa ugu baaqday daneeyayaasha inay kaalin mug leh ka geystaan ​​wax ka qabashada arrimaha amni ee ka jira Gobolka Metekel ee deegaanka Benishangul Gumus.

Wasiiru-dowlaha ayaa kala xaajootay saraakiisha gobolka Awi ee deegaanka Amxaarada iyo kuwa gobolka Metekel ee Benishangul Gumus sidii loo adkayn lahaa nabadda deegaanadaas islamarkaana xalwaara looga gaadhi lahaa isku dhacyada soo noqnoqday eek a dhaca inta aagagaas.

Waxay bogaadisay hawlgallada wadajirka ah ee ilaa iyo hadda la fuliyay ,si wax looga qabto dhibaatada amni ee ka jirta gobolka Metekel iyadoo ku baaqday iskaashi buuxa oo kor loo qaado xakamaynta xaaladda.

Firealem waxay kaloo carabka ku adkeysay baahida loo qabo in la isku duba rido dadaalada ka socda hay’adaha dowlada, ciidamada amaanka iyo bulshada si dib loogu soo celiyo dadkii ka barakacay Aaga Metekel lana dadajiyo dadaallada dib u dejinta.

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in dowladu diyaar garow ugu jirto sidii dib u dejin loogu samayn lahaa barakacayaasha iyada oo la kaashaneysa maalgashadayaasha iyo hay’ado dhowr ah .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.