Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda nabadda oo shaacisay qabashada wadatashi qaran oo lala yeelanayo bulshada

Addis Ababa,Dec 21, 2020 (Tehsas 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda nabadda JDFI ayaa ku dhawaaqday qabashada wadatashi qaran oo lala yeelanayo bulshada laga bilaabo maanta oo isniin ah.

Wasaaradda ayaa ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook-ga in wadatashiga looga gol-leeyahay in la abuuro is faham guud oo ku aadan arrimaha muhiimka ah si loo gaaadho is-afgarad qaran.

Waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu dhiso anshaxa iyo sida ay tahay in bulshadu ay u waajahdo xalinta dhibaatooyinka iyo weliba ka qaybqaadashada bulshada ee dhinacyada nabadda iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dadweynaha Itoobiya in ay doorkooda ka qaataan si loogu dhaqaaqo dhanka wadatashiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.