Fana: At a Speed of Life!

Wasiir Muferiyaat oo kulan la qaadatay safiirka sucuudiga u fadhiya Itoobiya

Addis Ababa,Apr 23, 2021 (Miyasiya 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirrada Wasaaradda Nabadda JDFI, Muferiyaat Kaamil ayaa kulan arrimo badan lagaga wada xaajooday la qaadatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya dalkan Itoobiya, Sasmi Jamiil.

Wasiir Muferiyaat iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxayna ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dib usoo celinta iyo dib u dejinta dadka Itoobiyaanka ah ee ka soo laabanaya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.